Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa ciidanka ammaanka faray in ay shacabka u dhimriyaan marka ay sameynayaan howlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo.
Waxa uu sheegay shacabka dhankooda in looga baahan yahay la shaqeynta shacabka, wuxuuna tilmaamay inaan loo dulqaadan doonin in qof muwaadin ah lagu xad gudbo.
“Muqdisho xaq uma lahan in maalin kasta ama habeen kasta lagu dilo qof muwaadin ah, horayna waan u sheegnay hadana waan ku celinaynaa, waxaan u dhaaranay inaan shacabka har iyo habeen u shaqeyno,” Ayuu yiri Wasiir Islow.
Sidoo kale Wasiirka amniga ayaa ciidanka ku dhiirageliyay in ay kordhiyaan dagaalka lagula jiroururka Al-shabaab, wuxuuna sheegay in dowladda federaalka ay juhdi ku bixineyso sidii Shabaab looga adkaan lahaa.
Hadalkan ayuu Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ka sheegay munaasabad xalay lagu soo bandhigayay ciidanka xasilinta oo Muqdisho ka bilaabanaya howlgallo amni xaqiijin ah, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.