Sunday, March 23, 2025
HomeWararWasiirada Kowaad Ee Somaliya Iyo Rwanda oo Kigali Kulan KuYeeshay

Wasiirada Kowaad Ee Somaliya Iyo Rwanda oo Kigali Kulan KuYeeshay

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda kulan casho ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Edouard Ngirente iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada.

Kulanka labada Ra’iisul Wasaare waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Masuuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wasiiru dawlaha arrimmaha dibadda, wasiirka caddaaladda ee Rwanda, Lt. Gen Jacques Musemakweli iyo masuulyiin kale oo reer Rwanda ah.

Labada Ra’iisul Wasaare iyo masuuliyiinta kale ee kulanka ku wehliyay ayaa ka wada hadlay arrimaha garsoorka iyo Cadaaladda, dhaqaalaha, adkeynta xariirka labada dawladood iyo ammaanka qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Rwanda casuummaadda ay u fidiyeen iyo soo dhaweynta Ballaaran, waxa uuna sidoo kale sheegay in uu rajeynayo in Soomaaliya ay Rwanda uga dayato horumaka ay sameysay iyo sida ay uga gudubtay burburkii iyo colaadihii sokeeye ee dhibaatada badan gaarsiiyay dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Edouard Ngirente ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay wixii ka dambeeyay doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maanta lagu wadaa inuu la kulmo madaxweynaha Rwanda ahna Gudoomiyaha Midawga Afrika, Paul Kagame.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe