Thursday, April 30, 2026
HomeWararWasiirada Arrimaha dibada Itoobiya iyo Soomaaliya oo kulan yeeshay

Wasiirada Arrimaha dibada Itoobiya iyo Soomaaliya oo kulan yeeshay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa shalay gelinkii dambe oo Khamiis ahayd kula kulmay Magaalada Addis Ababa, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mudane Demeke Mekonnen.

Waxa uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa heerka iskuduwid oo dhinac kastaba leh iyo hore u dhaqaajintiisa si salballaaran iyadoo la taabagelinayo isfahannada iyo habmaamuusyadii hore loogu heshiiyey.

Intii kulanku socday ayaa waxaa labada wasiir ay isla fallanqeeyeen arrimo dan guud oo ay ka mid yihiin arrimaha gobolka ka taaggan iyo dunida inteeda kale.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe