Saturday, May 30, 2026
HomeWararWasiir Fiqi” Waa in la baabi’iyaa Maxkamadaha Al-Shabaab ee Muqdisho & Shabeellaha...

Wasiir Fiqi” Waa in la baabi’iyaa Maxkamadaha Al-Shabaab ee Muqdisho & Shabeellaha Hoose”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay jiraan Maxkamado ay Al-Shabaab ku leeyihiin degaanka Basra ee Aaga degmada Deyniile iyo degaano kale oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo dadka lacago ay uga qaadaan.

Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay waajib ku tahay in muddo laba sanadood gudahood ah inay ku baabi’iso Maxkamadaha Al-Shabaab ku leeyihiin Shabeellaha Hoose & Magaalada Muqdisho.

Isaga oo sii hadlayay Wasiir Axmed Macalin Fiqi wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay xilligaan u baahan yihiin inay helaan cadaalad, sidoo kalena laga yareeyo lacagaha tirada badan oo ay ka qaadaan Maamulka Gobolka Banaadir & Maxkamadaha ka howlgalla dalka.

Hadalkan ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi wuxuu ka sheegay kulan lagu soo dhaweeynayay Wasiirka Cadaaladda & Dastuurka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe