Waxaa weli Teendhada Afisiyooni ee Magalada Muqdisho ka socota doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi Soomaliland, waxaana goordhow la doortay Kursiga Afaraad.
Kursiga Afaraad ee Aqalka Sare doorashada ka socota Afisiyooni ayaa waxaa ku tartamay Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe & Cabdikariim Maxamed Xasan, waxaana kursiga kusoo baxay Cusmaan Abuukar Dubbe.
Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa waxaa uu helay 28 Cod halka musharixii la tartamayay ee Cabdikariim Maxamed Xasan uu helay 17 Cod, waxaana halaabay Hal Cod.

