Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Bixi Iimaan Cige ayaa maanta kormeer ku tagay xafiisyada ku hawlan dakhli soo saarka iyo uruurinta canshuuraha, kuwaas oo qeyb ka ah sare u qaadidda dakhliga dowladda.
Wasiirka Maaliyadda Bixi Iimaan Cige ayaa warbixino ka dhageystay Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Faysal Maxamed Xaashi iyo Agaasimaha Waaxda Canshuuuraha Barriga Cabdulaahi Nuur Shirboow.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ku dhiirigaliyay kooxda ku howlan arrimaha dakhliga iyo canshuuraha oo laf-dhabar u ah shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda.
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa wado dadaalo sare u qaadidda dakhliga, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhameystirka shuruudaha deyncafinta, iyada oo isbadal uu ku yimid dakhliga dowladda.

