Thursday, April 30, 2026
HomeWararWasiir Arrimo Dibadeed oo u geeriyooday Coronavirus

Wasiir Arrimo Dibadeed oo u geeriyooday Coronavirus

Afhayeenka madaxtooyda dalka  Zimbabwe ayaa sheegay in wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaas Sebusiso Moyo u dhintay cudurka Karoona fayras

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Moyo oo 61 jir ah uu ku dhintay isbitaal maxalli ah subaxnimadii hore ee maanta

Moyo wuxuu horay u ahaan jiray jeneraal ka tirsan ciidamada wuxuuna caan ka noqday dalkaas markii uu ku dhawaaqay afgembigii militariga ee horseeday in xukunka looga  tuuro Madaxweynihii hore Robert Mugabe bishii November 2017-kii.

Dalka Zimbabwe waxaa ku soo badanaaya cudurka Karoona, waxaana laga diiwaan geliyay kiisas gaaraya 28,675.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe