Thursday, April 18, 2024
HomeWararWasaaradda Waxbarashada iyo Booliska oo ka shiray Amniga Imtixaanka Sanadkan

Wasaaradda Waxbarashada iyo Booliska oo ka shiray Amniga Imtixaanka Sanadkan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiisha loo diyaariyey in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo Amaanada Imtixaanka.

Wasiir Faarax iyo S.Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Saraakiisha kula dar daarmay in ay masuul ka yihiin bad qabka ardayda iyo amaanada Imtixaanka, wax ay sidoo kale fareen in ay ardayda ula dhaqmaan sida ugu wanaagsan, oo aysan khal khal galinin ardayda.

Saraakiishan ayaa ka shaqeyn doono 114 xarumood oo loo diyaariyey in ay Imtixaan ku galaan 34,000 oo arday, kuwaasoo ku kala yaalla Caasimadda iyo Gobollada dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe