Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayo hanaanka maaliyadeed ee dalka sidii loo horumarin lahaa, iyadoo la iskaashanayo.
Shirkan oo 2-maalin socon doona ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha xeerka mideynta cashuuraha, dib u habeynta maaliyadda iyo dhamaystirka shuruudaha deyn cafinta oo dhawaan la filayo in la soo gaba-gabeeyo.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige oo ay garbihiisa fadhiyaan wasiiru dowlaha wasaaradda marwo Raaxo M. Janaqoow iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa si rasmi ah u furay shirka, waxaana uu sheegay in uu muhiim u yahay shirkan arrimaha mudnaanta u leh dib u habeynta nidaamka maaliyadda, mideynt hannaanka canshuuraha iyo dhammaystirka sharuudaha barnaamijka deyn cafinta.
Shirkan ayaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee saaxiibada caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo deeqaha maaliyadeed ee miisaaniyadda lagu kabo, sidii looga wada faa’iideysan lahaa, waxaana shirkan ka maqan oo aan ka qeybgalayn wasiirka maaliyadda dowlad goboleedka Puntland, inkasta oo si rasmi ah loogu casuumay shirka.


