Kulan manta ka dhacay Xafiiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya, oo Shir gudoomiyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa looga hadlay muuhimada ay leedahay in dib loo soo celiyo heya��adii Tayo-dhowrka soomaaliyeed.
Haya��addan ayaa noqoneysa mid ka hortagta badeecadaha khatarta ku ah caafimaadka dadka iyo degaanka, sidoo kale keenista iyo isticmaalka badeecadaha dhacay ama tayadoodu Liidato si loo ilaaliyo badqabka nolaleed iyo caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey muhiimadda Ganacsiga iyo guud ahaan dalka ay u leedahay Haya��adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale u magacaabay 5 xubnood oo Haya��adda Tayo-dhowrka iyo badqabka badeecadaha dalka soo gala.
Xubnaha Guddiga Tayo dhowrka Soomaaliyeed waxay kala yihiin:-
1:A� GuddoomiyeA� Aadan Xasan Barre
2:A� CabdillaahiA� Salad XasanA�A�A� Xubin
3: Ibraahim Naxamed XasanA�A� Xubin
4: Fartuun SiidowA� Macalin CabdiA�A� Xubin
5: Cabdi Saqaawe CismaanA� Xubin
Haya��addan ayaa hoostageysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxa ay xarumo kala duwan ku yeelan doontaa dhammaan gobollada dalka, si sare loogu qaado Tayada waxyaabaha dalka ka soo gala Dekedaha, Garoomada iyo Xuduudaha dalka.