Friday, March 29, 2024
HomeWararWasaaradda difaaca DF oo baafineysa ciidamo ka maqan{AKHRISO}

Wasaaradda difaaca DF oo baafineysa ciidamo ka maqan{AKHRISO}

Taliyayaasha qeybaha iyo kuwa ka hooseeya ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo madaxda wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa billaabay in ay raadiyaan ciidamo boqolaal ah oo ka maqan xarumihii lagu ogaa, kuwaas oo isugu jira ciidan fasax ku maqan iyo kuwa iska soo baxay.
Taliyayaasha ayaa la faray in ay dib xarumahooda ugu soo celiyaan ciidanka maqan, iyadoo sidoo kale la faray in ay soo kala ogaadaan ciidanka fasaxa ku maqan iyo kuwa iska baxay. Sidoo kale waxaa la faray in ay soo ogaadaan ciidamada ka qeyb qaatay dagaalladii ka dhacay Muqdisho.
Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in gacanada laga baafiyay askar maqan iyo saraakiil ciidanba. Sidoo kale waxaa la sheegay in qaar kamid ah ciidamada iyo saraakiisha loola xiriiray si toos ah.
Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay ciqaabto ciidamadii ka qeyb qaatay dagaalladii dowladda looga soo horjeeday ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo wali qaarkood aan ku laaban xarumihii ciidanka.

Sidoo kale go’aanka wasaaradda gaashaandhigga ee ciidanka dib loogu celinayo xarumahooda ayaa loo arkaa mid lagu wiiqayo awoodda mucaaradka, inkastoo la aamisan yahay in ciidanku ay badanaa aysan laaban doonin oo ay diidi doonaan go’aanka taliyaashooda maadaama markii horaba xoog ku soo baxeen.
Ciidamada diidan muddo kororsiga ayaa horey u sheegay inaysan Muqdisho ka bixi doonin illaa ay doorasho ka dhacdo, islamarkaana aysan aamini doonin oo kaliya hadalka Farmaajo ee ah in doorasho la qabanayo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe