Friday, April 19, 2024
HomeWararWasaaradda Amniga Soomaaliya Oo ka Hadashay Dhawaqa Madaafiic Xalay laga Maqlay Muqdisho

Wasaaradda Amniga Soomaaliya Oo ka Hadashay Dhawaqa Madaafiic Xalay laga Maqlay Muqdisho

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa sheegay dhawaqyadii xalay laga maqlay magaalada Muqdisho in ay ahaayeen baco lagu shubay baaruuda qaraxda, oo ah kuwa macmal ah.

Dadka reer Muqdisho ayaa xalay si wayn u maqlay dhawaqyada wax u eg madaafiic oo magaalada ku soo dhacay, degmooyinka Hodan, Hawlwadaag, Xamar Weyne, Xamar Jajab iyo Boondheere ayaa la sheegay inay madaafiicda ku dhaceen.

Wasiir Islow ayaa sheegay goobaha laga maqlay dhawaqyadaasi in ay u direen Hay’adaha ammaanka, oo aysan jirin qof wax ku noqotay, wuxuuna tilmaamay in ujeedada ay aheyd in shacabka Soomaaliyeed aysan cibaadaysan oo aysan Tukan Salaada Taraawiixda.

Ciidanka ammaanka ayaa heegan buuxa la geliyay bishan Ramadaan oo xalay bilaabatay, maadaama laga cabsi qabo in Shabaab ay magaalada gudaheeda ka geystaan weeraro.

Jahwareer ayaa ka taagan Magaalada gudaheeda iyo cabsi xooggan oo ay dareemayaan dadka magaalada ku nool, waxaana dadkaqaar ay xalay ku xaadireen guryahooda goor sii horeysay.

Dadka reer Muqdisho ayaa qaba fikirka ah in Shabaab ay kordhiyaan weerarada ay geystaan bisha barakeysan ee Ramadaan, iyada oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay diyaarisay ciidamo ka shaqeeya ammaanka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

  1. Wow, superb blog structure! How long have you been blogging for?
    you make running a blog glance easy. The overall look of your web
    site is wonderful, let alone the content material!
    You can see similar here ecommerce

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe