Tuesday, April 21, 2026
HomeWararWariyihii labaad oo lagu xiray Magaalada Beledweyne

Wariyihii labaad oo lagu xiray Magaalada Beledweyne

Xalay booliska Magaalada Beledweyne waxaa ay Hotel uu ku sugnaa ay ka soo xireen Wariye Cabduqaadir Maxamed Faarax  Dulyar oo Wareystay Janeraal Abuukar xuud oo maleeshiyaad badan ku heysta duleedka Beledweyne kana soo horjeeda Maamulka Cusub ee hir-Shabeelle.

Hayeeeshee Maanta Booliska Beledweyne waxaa ay xireen Agaasimaha Idaacadda Hiiraan Weyn ahna guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Wariye Maxamed Cusmaan Makaraan.

Wariye Makaraan ayaa xilliga la xirayay waxaa uu booqasho ugu tegay wariye Cabduqaadir Maxamed Faarax  Dulyar oo ku xiran Saldhiga Booliska Magalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Lama oga Sababta ka dambeeysay Xariga Agaasimaha Idaacadda Hiiranweyn Maxamed Cismaan Makaraan, iyada oo laamaha Amniga Magaalada Beledweyne aysan weli faah faahin ka bixin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe