Sunday, June 14, 2026
HomeWararGudahaWargeys Israa'iili ah oo Faahfaahiyay Booqashada Cabdiraxmaan Cirro ee Israa'iil

Wargeys Israa’iili ah oo Faahfaahiyay Booqashada Cabdiraxmaan Cirro ee Israa’iil

Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa baahiyay faahfaahin la xiriirta jadwalka booqashada Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, oo la filayo inuu berri booqasho ku tago Israa’iil.

Sida wargeysku qoray, booqashadan oo noqon doonta tii ugu horreysay ee Madaxweyne Somaliland uu ku tago Israa’iil, waxaa ku jira furitaanka safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus.

Jadwalka ayaa sidoo kale muujinaya in Cirro uu booqan doono qabriga Theodor Herzl, oo ahaa suxufi, qoraa iyo siyaasi Yuhuudi ah, isla markaana si weyn loogu aqoonsan yahay aasaasaha dhaqdhaqaaqa Sahayuuniyadda casriga ah.

Herzl wuxuu geeriyooday 44 sano ka hor aasaaskii Israa’iil sanadkii 1948, hase yeeshee Israa’iil waxay u aragtaa inuu ahaa maskaxdii iyo hoggaamiyihii fikirka horseeday dhismaha dawladdaas, waxaana badanaa loogu yeeraa “Aabbaha Sahayuuniyadda Casriga ah.”

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa la qorsheeyay inuu booqdo xarunta xusuusta xasuuqii Yuhuudda ee Yad Vashem, ka hor inta uusan la kulmin Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, iyo madax ka tirsan hay’adaha dhaqaalaha ee dalkaas.

Sida uu wargeysku sheegay, kulamada ugu muhiimsan ee booqashada ayaa dhici doona Isniinta, markaas oo Madaxweyne Cirro uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa’ar.

Maalmo ka hor ayay ahayd markiii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh uu ku tilmaamay aqoonsiga Somaliland ee Israaiil inuu yahay dabin, isagoo sheegay in  Somaliland aysan waligeed ictiraaf helidoonin si walba oo ay Israaiil ugu dhowaato.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe