Home Warar WARBIXIN:-Gebi Dhaclaynta Doorashada KGS Iyo Dib-udhac Markale Kuyimid

WARBIXIN:-Gebi Dhaclaynta Doorashada KGS Iyo Dib-udhac Markale Kuyimid

344

Iyadoo Dhawaan Lafilayo in doorasho ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ayaa waxaa sii kordhayay ololaha loogu jiro tartanka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed oo ay u taagan yihiin musharixiin dhowr ah.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda doorashada ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,iyadoo shacabka deegaanadaasi ay ka dhursugayaan cida ku soo bixi doonta doorashada.

Kahor Qabsoomida Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Waxaa Soobaxaya Eedaymo iyo Dhaleecooyin Kaladuwan Oo Loosoojeedinayo Madaxda Fidraalka oo Ku aadan in Doorashada ay Kuhayaan Faragalin Qaawan.

Madaxwaynihii Horre Ee Maamulkii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiiq aadan ayaa iska Huleelay Jagada Madaxtinimo Ee Koonfur Galbeed iyo Musharaxnimada Qabahada Markale Ee Xilka Madaxwaynanimo Ee Koonfur Galbeed.

Waxaa is Casilay 15-Xubnood Oo katirsanaa 27 Xubnood Oo Loosoomagacaabay inay Noqdaan Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed Kadib Markii Dhaxdooda uu Khilaaf Sookala Dhaxgalay Waxaan Sidoo kale Dib Loodhigay Xilgii ay Qabsoomi laheed Doorashada.

Gudi Cusub Oo Qabanqaabinaya Doorashada Koonfur Galbeed ayaa Lamagacaabay Waxaana Ladhimay Tirda Gudiga iyada oo Halkii Horay ay uga ahayd 27 Xubnood Lagu Sookoobay 15-Xubnood Oo Qura.

Musharixiinta utaagan Qabashada Xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Muujinaya Cabashooyin Badan iyo Cadaadisyo ay Sheegayaan inay Kaga imaanayaan Dawlada Dhexe Ee Dalka oo Lagu Eedaynayo inay Doonayso in Shaqsi ay Wadato ay kusoobaxdo Doorashada KGS

Dawlada Fidraalka DhankeedaWaxaa Muuqata inay Saamayn Wayn Kuleedahay Doorashada Koonfur Galbeed Waxaana Lageeyay Magaalada Baydhabo Diyaarad Siday Ciidamo aan Tiradooda Lashaacin oo ay Gaysay Halkaasi Dawlada Dhexe Ee Dalka.

Madaxda Dalka Waxa ay Kusheegeen Ciidamadaasi inay Adkaynayaan Amaanka Magaalada Baydhabo iyo Xarumaha ay kadhacayso Doorashada Hase ahaatee Shacabka Koonfur Galbeed ayaa Muujiyay inay Kaxunyihiin Ciidamada ay Dawladu Kudaabulayso Magaalada Baydhabo.

Ururka Haweenka Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Kumeelgaarka Koonfur Galbeed Kulan ay Maanta iskugu Yimaadeen ayay Kaga Hadleen Ciidamada Lakeenay Baydhabo Waxa ayna Muujiyeen inaysan Kuqanacsanayn Habka Dawlada Dhexe ay Wax uwado.

Marka Lagasootago Hadalka Kasoobaxaya Shacabka Koonfur Galbeed War Qoraala oo Lagu Daabacay Warbaahinta Dawlada ayaa Lagu sheegay in amaanka Koonfur Galbeed aad loo adkeeyay

‘Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana magaalada lagu arkaya ciidamo isugu jira kuwa maamulka Koonfur Galbeed,iyo kuwo kale oo halkaasi gaaray si ay u xoojiyaan sugidda nabadgeliyada xiliga doorashadu ay dhacayso.

magaalada Baydhabo,oo haatan ah goob mashquul xoogan oo siyaasadeed uu kajiro maadaama ay dhacaysa doorasho ayna muhiim tahay in amniga shacabka siweyn loo adkeeyo iyo hanaanka doorashada. Ayaa Lasiiraaciyay Qoraalka.

Iskusoo Wada Duuboo Cabashada Shacabka iyo Masuuliyiinta Koonfur Galbeed  Kudaabulida Ciidamada Baydhabo,Tartanka Adag Ee Musharixiinta iyo Mudo Kordhintii Doorashada KGS Waxaa isha Lagu Hayay in Waqtigeeda Doorashada ay Kudhici Doonto Hase ahaate Waxaa Lasoowarinayaa in Markale uu Dib u dhac Kuyimid Qabsoomida Doorashada Maamulka KGS.