Wararka ka imaanaya Magaalada Addis Ababa ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax uu ka dhacay meel uu ka khudbaynaayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Warbaahinta Itooobiya ayaa sheegtay in Qaraxa lagu carqaladeynaayay Khudbadda Abiy Ahmed,islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro yar oo dad ah.
Warbaahintu waxaa ay sheegtay in Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ka badbaaday Qarax loo adeegsadayMuraayaddo kaasoo ka dhacay goob ay isugu yimaadeen kumanaan ka mid ah Shacabka Itoobiya oo uu Khudbad ka jeedinaayay.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo goor dhow la hadlay Tv-ga Qaranka dowladda Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax lala beegsaday goob uu ka Khudbaynaayay oo ku taalla Magaalada Addis Ababa.
Waxaa uu sheegay in tiro dad ah oo Shacab ah ay kasoo gaareen dhaawacyo,islamarkaana uu nabad qabo.
Abiy Ahmed ayaa sidoo kale qiray in ay jiraan dad ku dhintay Qaraxaasi.
Dadka inta badan waxa ay ku dhaawacmeen isbuurasho dadka ay sameeyeen.
Waxaa uu sheegay in Qaraxaasi la doonaayay in lagu waxyeeleeyo dadka Shacabka ee Banaabaxa taageerada ah sameynaayay,islamarkaana laga hortaggay.
Abiy Axmed ayaa xusay in ciidamada Booliska ay waddaan baaritaano ayna saacaddaha soo socda la wadaagi doonaan Shacabka cidii ka dambeysay Qaraxii maanta ka dhacay goobta uu ka Khudbadbaynaayay.
Banaanbaxa ayaa waxaa soo xaadiray Kumanaan ka mid ah Shacabka Itoobiya,kuwaasoo taageerayay Isbadelka dhaqaallaha ee dhawaan uu ku dhawaaqay Abiy Ahmed.