Degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo ayaa gabi ahaanba go’doonsan kaddib markii roobab aan kala joogsi laheyn ay ka da’ayeen 9kii maalmood ee u danbeysay.
Gudaha magaalada ayaa laga barakacay, iyadoo ay jiraan dad ku go’doonsan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, kuwaas oo waayay meel ay ka baxaan.
Ubraahim Guuleed Gudoomiyaha Dagmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in awoodoodii ay dhaaftay heerkii ay Dadka ku Caawanayeen iyo Gurmadkii Dadka lagusoo badbaadinayay isagoona ku baaqay in Ceelwaaq loo Gurmado si loo samatabixiyo Dadka Dagmadaasi oo ku jira Xaalad aad u adag.
Boqolaal dadweyne ah ayaa ku sugan daafaha magaalada, kuwaas oo aan haysan, guryo cunno iyo goobo caafimaad.
Dagmooyinka Jubbaland ee Maamulka Jubbaland uu ka arimiyo iyo kuwa kale ee A.S ay Maamulaan ayaa lagasoo sheegayaa Xaalad aad u adag Dadkuna ma heestaan Cid garab u noqotay.
Dadka Daadadka ay Saameeyeen ayaa u badan kuwa Danyarta ah ee aan awoodin Nolol Maamlmeedkooda.

