Wednesday, January 15, 2025
HomeWararWararkii ugu danbeeyay Dagaal Khasaara geystay oo ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal Khasaara geystay oo ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaro geystay oo Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaano hoostaga degamda Qoryooley ee Gobolka Shabellaaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada dowladda ku leeyihin duleedka Qorooley,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in dagaal mudo dhowr saacadood ah socday uu halkaasi ka dhacay.

Dadka deegaanka weli macadeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas,balse Al-Shabaab ayaa bogga ay wararka ku qoraan waxa ay ku daabaceen in ay la wareegeen degmada Qoryooley.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dagaalkaas,waxa uun ku soo aadaya xilli laabdii malin ee la soo dhaafay ay degmada Walanweyn ka dhaceyn qaarxyo khasaaro farabadan geysteen.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe