Sunday, May 3, 2026
HomeWararDibaddaWararkii Ugu dambeeyay Xiisad dagaal oo ka Taagan Magaalada Baladweyne,

Wararkii Ugu dambeeyay Xiisad dagaal oo ka Taagan Magaalada Baladweyne,

Xiisad dagaal ayaa Manta ka taagan Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan kadib markii Ciidamo hubeeysan ay bar-koontarool oo cusub ay ka sameeysteen Xaafadan.

 

Ciidamadan ayaa sheegay in ay gaadiidka ka qaadayaan Canshuur Cusub, waxaana Ciidamadan hogaaminayo Cabdimaalik maxamed aamin oo dhawaan Cali jeeyte Cismaan u magacaabay Kastamka Canshuurta lagu qaado ee Xaafada Howl-wadaag.

Ciidamada amaanka ayaa ku baxay Koontaroolkan cusub oo la dhigay Xaafada howl-wadaag , waxaana halkaasi ka dhacay iska-horimaad kooban. Dadka deegaanka ayaa Hiiraanweyn usheegay in dagaal kooban uu ka dhacay xaafada .

hal qof ayaa ku dhawacmay dagaalka sida ay dadka deegaanka  u sheegeen warbaahinta .

Ciidamada amaanka ayaa ku guuleeystay in ay soo daayan gaadiid badan oo halkaasi ku xayirnaa manta.

 

 

 

Odoyaasha dhaqanka Xaafada howl-wadaag ayaa sidoo kale ku baxay joojinta xiisadan dagaal , waxaana lagu guuleeystay in xaalada ay dajiyaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe