Thursday, April 30, 2026
HomeWararWararkii ugu dambeeyay ee Shirka ka furmaya Muqdisho{AKHRISO}

Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka ka furmaya Muqdisho{AKHRISO}

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Gudaha Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho in uu ka furmo Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Madaxda ka qeyb galeysa Shirka qaarkood ayaa halkaasi gaaray, sida Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, waxaana sidoo kale la filayaa in goordhow ay halkaasi tagaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in uu jiro shaki ah in aysan shirka tegin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland walow Xubnaha Beesha Caalamka ay cadaadis saarayaan dhinacyada la doonayo inay shiraan.

Amniga Xerada Afisiyooni oo uu shirka ka furmayo ayaa waxaa damaanad qaaday howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kadib markii ay dalbadeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe