Wednesday, May 27, 2026
HomeWararWararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Ruushka & Ukraine

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Ruushka & Ukraine

Maalintii Afaraad ayuu galay duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine, Ilaa hadda, askarta Ruushka ayaa soo gaaray deegaano badan oo ka tirsan Ukraine

Waxaa sidoo kale jiraa warar sheegayo in iska horimaad xooggan oo u dhexeeyo ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine uu ka socdo magaalada caasimadda ah ee Kiev.

Waxaa cirka isku shaereertay xiisadda ka taagan Ukraine, dadka waxay isku dayayaan inay ka baxsadaan halkaas.

Khudbad uu dhawaan Mr Putin ka jeediyay taleefishinka ayuu ku dhawaaqay “howlgal milateri” oo laga fulinayo gobolka ku yaal bariga dalkaasi ee Donbas. Halkaas waxaa deggan dad badan oo u dhashay waddanka Ukraine oo ku hadla luuqadda Ruushka.

Ciidamada Ruushka ayaa ku dhaw inay galaan Kiev balse waxay iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamada Ukraine xilli waddooyinka caasimadda laga maqlayo dhawaqa rasaasta.

Dagaal ayaa ka qarxay waddooyinka caasimadda Kiev, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Ukraine ee Interfax.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmitro Kuleba ayaa sheegay weeraradii gantaalada ahaa ee “naxdinta lahaa” ee lagu qaaday Kiev uu lamid yahay weerarkii Nazi-ga Jarmalka uu geystay dagaalkii labaad ee aduunka.

Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen ciidamada Ruushka mid ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee dhaca galbeedka Kiev.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe