Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo xoogaga Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Deynuunay oo qiyaas ahaan 26-KM ujira magaalada Baydhabo.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Deynuunay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday saacad iyo wax ka badan, sida dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen.
Alshabaab ayaa war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in ay dagaalkula wareegeen degaanka, waxay kaloo sheegteen inta uu weerarka socday in ay gacanta ku dhigeen Sahnad ciidan oo ay lahaayeen Millitariga Soomaaliya.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacma oo aan la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Shabaabka weerarka soo qaaday in laga war hayay, ciidankana ayna iska difaaceen, wuxuuna beeniyay in Shabaab ay la wareegeen degaanka.
“Ciidamada xoogga iyo kuwa Koonfur Galbeed way ka war hayeen Shabaabka weerarka soo qaaday, gudaha ayay soo galeen, kadib ayaa dagaal lagu bilaabay, khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaan gaarsiinay nabad diidka, dib ayaan ka soo sheegeynaa khasaaraha dhabta ah, hada degaanka waxaa u sugan ciidanka dowladda.” Ayuu yiri Nuuradiin gacma.
Bulshada ku dhaqan Deynuunay ayaa waxay walaac ka muujinayaan waxyeelo kaga timaada Al-Shabaab, haddii ay la macaamilaan Ciidamada Dowladda ee fariisimaha ku leh cirifyada deegaankaasi.