Thursday, February 13, 2025
HomeWararWakiillo ka socday Mukhtaar Roobow Oo Jabuuti kula kulmay Saraakiil Mareykan ah.

Wakiillo ka socday Mukhtaar Roobow Oo Jabuuti kula kulmay Saraakiil Mareykan ah.

Wafdi ka socday Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wafdigan oo ka koobnaa afar xubnood aya la kulmeen Saraakiil Mareykan ah oo ka tirsan Taliska Mareykanka Africom ee fadhigooda ahaa dalka Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan oo ka wakiil ahaa Mukhtaar Roobow ay kala hadleen Saraakiisha Mareykanka sidii ay isaga kaashan lahaayeen howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo taageeri lahaa abaabulka dagaal uu wado MukhtaarRoobow.

Mukhtaar Roobow ayaa wada abaabul dagaal iyo mid ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana muddooyinkii u dambeeyay uu safaro ku marayay magaalooyinka dalka, si uu taageero ugu helo maamul goboleedyada.

Ilo wareedyo ku dhow dhow dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in wadaadkan loo diyaarinayo xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo doorashadiisa ay dhici doonto bisha November ee soo socota, waxaana jiray tallooyin loogu jeediyay inuu isa soo sharaxo.

Abuu Mansuur oo ka mid ahaa aas aasayaasha Shabaab ayaa sanadkii hore sheegay inuu isaga baxay Al-Shabaab, iyadoo maleeshiyo taageersan oo ku sugan Bakool ay dhowr jeer dagaalo la galeen xooggag taabacsan Shabaab.

Bishii la soo dhaafay ayaa Abuu Mansuur dalka Sacuudiga u aaday, si uu usoo cumreysto, waxaana ay aheyd markii u horeysay oo safar dibadeed u baxo, tan iyo markii laga saaray liiska waxa loogu yeero argagixisada iyo lacagtii madaxiisa dulsaarneyd xilligii uu ahaa hoggaamiyeyaasha sarsare ee Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe