Monday, August 24, 2026
HomeWararDibaddaWafdigii beesha Maxamed Saleebaan oo qado sharaf loo sameeyay.

Wafdigii beesha Maxamed Saleebaan oo qado sharaf loo sameeyay.

Maamulka degmada Cadaado ayaa qado sharaf balliga Doongaalle ee bariga magaalada Cadaado ugu sameeyey wafdiga beesha Maxamed Saleemaan oo shalay soo gaaray magaalada Cadaado, waxaana qado sharaftaas ka qaybgalay Odayaasha dhaqanka deegaanka, ururka haweenka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sheegay in munaasbadan ay u sameeyeen inay ku sharfaan odayaasha dhaqanka ee soo booqday walaalohooda Galmudug ku nool, maamulka degmada Cadaadana uu sameyn doono munaasabad kale oo tan ka weyn, si loo xoojiyo isbarashada beesha.

Bahda suugaanleyda ee kulanka ka qaybgashay ayaa tixo gabaya ah ku cabiray sida ay ugu faraxsanyihiin midowga beesha reer Xaaji Saleemaan ee kala degta Galmudug iyo Somaliland

Nabadoon Xasan Maxamed Kadiye iyo Nabadoon Axmed Nuure weheliye ayaa xusay inay ku faraxsanyihiin isbarashada iyo midowga walaalahooda Maxamed Saleemaan

 

Sheekh Mowliid Xaamud iyo Caaqil Deeq Cabdullaahi Cali ayaa ka mahadceliyey sida meeqaamkeedu sarreeyo ee loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado.

Ugu dambayn Sudaanka guud ee beesha reer Xaaji Saleemaan Suldaan Mowliid Sheekh Jaamac ayaa soo xiray kulanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

29 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe