Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, ku xigeenkiisa Cabdixakiin Maxamed Cali (Shilin) odayaasha dhaqanka iyo bulshadad deegaanka ayaa garoonka diyaaradaha degmada Cadaado ku soo dhaweeyey wafdi dhaqan oo ka yimid Somaliland, ayna wehliyaan Suldaanka guud ee beesha reer Xaaji Saleemaan iyo odayaal dhaqan oo kale.
Wafdiga ayaa qado sharaf iyo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyey magaalada Cadaado, taas oo uu qaban qaabiyey maamulka degmadu, ayna ka qaybgaleen wasiirro ka tirsan Galmudug iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa furitaanka munaasabadda ka sheegay in wax lagu farxo ay tahay in walaalo muddo kala maqnaa ay dib u midoobaan ayna ka maamul ahaan Cadaado ka siinayaan wafdiga dhul ay deegaansadaan.
Jiif Caaqil Deeq Cabdullaahi Cali ayaa ka mahadceliyey sida weyn ee maanta loogu soo dhaweeyey degmada Cadaado oo ay kula kulmeen walaalo u hilow qaba martigelintooda. Wasiir dowlaha wasaarada arrimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay safarka maanta wafdigan dhaqan ay Cadaado ku yimaadeen, si ay u soo arkaan dadka ay dhaqan iyo dhalasho wadaagga yihiin.
Suldaan Mowliid Sheekh Jaamac Suldaanka guud ee beesha reer Xaaji Saleemaan ayaa ka mahadceliyey sida maanta wafdigan dhaqan loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado, kuwaas oo horena Muqdisho ay ku soo dhaweeyeen waxgaradka beesha ee halkaasi ku dhaqan. wafdiga dhaqan ayaa maalmaha soo socda tagi doona qaar ka mid ah magaalooyinka ay degto beesha reer xaaji Saleemaan
Privacy Policy
This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

