Friday, April 25, 2025
HomeDhageysiDHAGEYSO:Wafdi Ka Socda Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo gaarey Degmada Baardheere

DHAGEYSO:Wafdi Ka Socda Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo gaarey Degmada Baardheere

Wafdi Ka Socda Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo gaarey Degmada Baardheere,Kulamana la yeeshay qeybaha kale duwan ee Bulshada Wafdi  balaaran oo ka socda dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guddiggii dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Fatahaadda Wabiyadda Shabeelle iyo Jubba ayaa maanta gaarey Degmada Baardheere,iyagoona booqdey Goobahii uu ku
fatahay Webiga Jubba ee Baardheere,isamarkaana waxayna kulam kale gedisan ay la qaateen qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)oo socdaalkiisa shaqo ay ku weheliyeen,Wasiiro, Xubno ka tirsan Baarlamaanka
Federaalka  ayaa sheegay in horay Milyan Doolar dawladdu ugu yabooday gurmadka hase yeeshee dhibaatada ay daadaku geysanayaan oo soo korortay aawadeed in ay  dawladdu mar kale ay bixineyso Nus Milyan doolar oo dheeraad ah si loogu biiriyo gargaarka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)
iyo wafdigiisa oo warbixino ka dhageystey Maxamed Maxamuud Aden oo ah
Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo Cabdulaahi Nuur Xasan (Cadow)ayaa waxay ka
warbixyeen baaxada iyo khasaarahaka dhashey Fatahaada uu geystey Webiga Jubba ee  degmada Baardheere

Mudane Khadar ayaa sheegay in dhibaatada uu geystey fatahaada webiga Jubba ee Baardheere in ay ka marqaati kacayaan,waxuuna ku dhawaaqey in lacag $100
kun oo dolar in ay kaga qeyb qaadanayaal wax ka qabashada dadkii ku
barakacay Fatahaadaha in wax loogu qabto,isagoona ku baaqay in dadka
Soomaaliyeed ee wax heesta ay ka qeyb qaataan gurmadka si loo badbaadiyo
Kumanaaka Ruux ee dhibaatadu kasoo gaartay daadadka.

Wafdiga ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa ee soo gaara degmada Baardheere,tan iyo intii webiga Jubba uu ku fatahay degmada Baardheere,wafdiga ayaa isla galabta waxay u ambabaxeen degmooyinka Dolow iyo Luuq oo ka mid ah degmooyinka uu ku fatahay webiga Jubba,islamarkaana khasaaro ay ka soo gaartey kumanaan qoys.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe