Tuesday, May 26, 2026
HomeWararWaddooyinka qaar ee Beledweyne oo xiran & saameyn ka dhalatay

Waddooyinka qaar ee Beledweyne oo xiran & saameyn ka dhalatay

Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saaka xiran xilli doorshada kuraastii ugu horeeysay ee Golaha Shacabku lagu qabanayo Beledweyne.

Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Hir-Shabeelle ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee Magaalada, waxaana xeritaanka waddooyinka ay saameeyeen Ganacsiga Magaalada.

Qaar kamid Ehellada dadkii shalay ku dhintay qarixii Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegeen inay saaka la’yihiin waddooyin ay maraan si ay meydadka u Aasaan.

Goordhow ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Beledweyne ka bilaabato doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe