Thursday, May 15, 2025
HomeWararWaddooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho Oo Maanta Xiran.

Waddooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho Oo Maanta Xiran.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray qayb ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama iyo guud ahaan wadada Wadnaha ee muhiimka u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Ciidan fara badan oo dowladda ka tirsan, ayaa lagu arkayaa wadooyinkaasi, kuwaasi oo gaadiidka iyo mootooyinka u diidaya inay halkaasi maraan, iyadoo dadka ay isweydiinayaan sababta wadada loo xiray.

Dadka reer Muqdisho oo sooman, islamarkaana u kala haya goobahooda shaqada, ayaa ah kuwa lugeynaya, maadaama gaadiidka loo diiday wadada inay maraan.

Sidoo kale dadka reer Muqdisho oo isku diyaarinaya maalmaha Ciidul Fidriga ayaa la kulmaya dhibaatooyin kala duwan oo dhanka wadooyinka Magaalada ku aadan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maalmo kahor amray in la furo wadooyinka magaalada Muqdisho, iyada oo ay muuqato in weli amarkaas aysan Hay’adaha ammaanka u hogaansamin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe