Sunday, June 21, 2026
HomeWararGudahaWaddada Awdheegle iyo Mubarak oo dib Loo furay ka dib in ka...

Waddada Awdheegle iyo Mubarak oo dib Loo furay ka dib in ka badan toban sano oo xirneyd

Waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Awdheegle iyo Mubarak ayaa si rasmi ah dib loogu furay, ka dib in ka badan toban sano oo ay xiranayd, dib-u-furidan ayaa timid kadib hawlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM.

Hawlgalka ayaa diiradda lagu saaray in laga saaro dhirta iyo geedaha cufan ee ku baahay 12-kiiloomitir ee jidka, kuwaas oo hor istaagay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka isla markaana ciriiri laga dareemayay waddada.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in jidkani uu sannado badan ku adkaaday in la maro, taasoo gaadiidka ku qasbay inay isticmaalaan wadooyin kale oo dheer isla markaana aan ammaan ahayn.

Mas’uuliyiinta maamulka Awdheegle iyo Mubarak ayaa xaqiijiyay in dib-u-furidda waddadu ay dib u soo celin doonto isu socodka caadiga ah, isla markaana kor u qaadi doonto isku xirka labada deegaan.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in dadka deegaanka ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo hubiyo in waddadu sii ahaato mid ammaan ah oo shaqaynaysa.

Waddadan ayaa xirneyd ku dhawaad 13 sano, sababo la xiriira amni-darro iyo dayac, iyadoo dhirtu ay sii adkeysay in la maro.

Dib-u-furideeda ayaa loo arkaa tallaabo wax ku ool ah oo lagu horumarinayo isu socodka, ganacsiga, iyo adeegyada bulshada ee deegaanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe