Friday, August 14, 2026
HomeWararDibaddaWadanka Jabuuti oo noqonaya waddankii 149-aad ee xidhiidh diblomaasiyadeed la yeesha Uzbekistan.

Wadanka Jabuuti oo noqonaya waddankii 149-aad ee xidhiidh diblomaasiyadeed la yeesha Uzbekistan.

2-dii May ee sanadkan, Uzbekistan iyo Jabuuti waxay kala saxiixdeen War-murtiyeed wadajir ah oo lagu dhisayo xiriir diblomaasiyadeed, Xoghayaha Warfaafinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Akhror Burkhanov, ayaa yiri.

Dukumentiga waxa u saxeexay dawladdaha labada dal Ulugbek Lapasov oo ah ergeyga joogtada ah ee Uzbekistan u qaabilsan Qaramada Midoobay, iyo Maxamed Siyaad Doualeh oo ah ergeyga joogtada ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay.

Xiriirka diblumaasiyadeed waxa loo aasaasay in lagu taageero mabaadi’da iyo ujeedooyinka Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa adkaynaya nabadda iyo amniga, sinnaanta dawladaha, madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dawladaha kale.

Waxaa xusid mudan in dalkan Bariga Afrika uu yahay waddankii 149-aad ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Uzbekistan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe