Tuesday, January 14, 2025
HomeWararWadahadallo Muqdisho uga Bilaabmay Madaxda Sare Ee Galmudug.

Wadahadallo Muqdisho uga Bilaabmay Madaxda Sare Ee Galmudug.

Waxaa Magaaladda Muqdisho siyaabo kala gooni gooni ah Shalay u gaaray Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug, oo uu dhaxeeyo Khilaaf xoogan.

Masuuliyiinta maamulka Galmudug ee gaaray Muqdisho, waxaa ka mid ah Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Guddomiyaha Baarlamaanka Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Madax kale oo ka tirsan Galmudug iyo Ahlu-sunna.

Sababata ay Muqdisho u tageen Masuuliyiintaan ayaa waxa ay tahay sidii loo xalin lahaa Khilaafka ka dhex taagan Madaxda Sare ee Galmudug.

Waxgarad kasoo jeedda maamulka Galmudug , dowladda dhexe iyo Beesha Caalamka ayaa garwadeen ka ah Wadahadaladaan lagu dhex-dexaadinayo Madaxda Galmudug sidda xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Saacaddihii lasoo dhaafay waxaa magaalada muqdisho ku dhexmaray mas’uuliyiintaan Kulamo dhexmaray dhinacyadda dhex-dhexaadinta Wadda sidda ay xaqiijiyeen Wasiiro ka tirsan Galmudug.

Madaxda Galmudug ayaa imika doonaya in xal buuxa laga gaaro Khilaafka taagan, khilaafkaan iyadoo dib loogu laabanyo heshiisyo horey loo galay.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo garab ah ayaa ayago wata qodobo dhawr ah oo ay doonayaan in wax laga badalo inkastoo aanan la ogeyn sida lagu meel marin karo.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee galmudug ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ka dhextaagnaa, kaa oo ka dhashay qaabka wax qeysiga beelaha iyo qodobo dhawro oo ku jiray heshiiskii jabuutii ee galmudug iyo Ahlu-sunna

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe