Wafdiga ayaa saddexda maalmood ee soo socota, wada-hadallo la yeelan doona mas’uuliyiinta ATMIS, UNSOS, safiirrada wadamada ay ciidamadooda ka midka yihiin ATMIS, iyo wakiillada bulshada rayidka ah.
Toddobaadkii hore, golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa muddo 6 bil ah dib u dhigay bixitaanka labo kun oo askari oo katirsan ciidanka ATMIS, si loo hubiyo joogtaynta horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Maalmo ka dib go’aanka golaha ammaanka, kooxda Alshabaab ayaa bilaabay inay weeraraan xarumaha ay ka baxeen ciidamada ATMIS.

