Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Fatahaado hor leh uu Wabiga Shabelle saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay deegaano hoos yimaada magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.
Wabiga Shabelle ayaa lagu soo warramayaa in uu ku Fatahay dhul Beereed ballaaran oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Fatahaadaan ayaa saameyn xoogan ku yeelatay dadka deegaanka iyo dalagii ku beernaa Beerahaasi.
Mid ka mid dadka deegaanka ayaa ka warbixiyay xaaladaha nololeed ee ka taagan nawaaxiga magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.
Waxaana uu baaq u diray madaxda DFS iyo kuwa HirShabelle oo uu ka dalbaday in ay gurmad la soo gaaraan deegaanadaasi.
Deegaano badan oo ka mid ah Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka taagan xaalado dhinaca nolosha ah oo uu sababay Fatahaada Wabiga Shabelle.