Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa ka dillaacay maleeshiyo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle, oo hubka u qaatay in madaxda maamulkaas, gaar ahaan kuwa aan kasoo jeedin magaalada, aysan iman.
Maleeshiyadan oo la baxday Jabhadda Xoreynta Hiiraan (Hiran Liberation Front) ayaa waxaa hoggaamiya Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame oo loo yaqaan Jeneral Xuud, kaasi oo ku dhaartay inuu deegaanka “ka xoreynayo” dowladda federaalka.
Xuud ayaa sheegay in dowladda federaalka ay baalmartay heshiiskii markii hore lagu aas-aasay HirShabeelle, isagoo tilmaamay in taas aysan arbali doonin dadka reer Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.
Haddaba, waa kuma Abuukar Xuud?
General Xuud oo horay taariikh nololeedkiisa uga sheekeeyey idaacadda Goobjoog ee Muqdisho, waxaa uu sheegay inuu bartay kulyada Siyaasada, waxaa uu heerka labaad ee Jaamacada “master’s degree” uga baxay mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaal wadanka Ruushka.
Jeneral Xuud waxaa uu soo noqday Talihii horrinta 1-aad ee ururka magaalada Dhuusamareeb iyo Hargeysa ee Waqooyi ee dowladii Maxamed Siyaad Barre, sidoo kale waxaa uu qeyb ka ahaa dagaalkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhacay Sanadkii 1977.
General Abuukar Warsame ayaa soo noqday abaanduuliyihii ciidanka ururka 13aad ee Magaalada Jigjiga, taliyihii guutada 22-aad ee Magaalada Gibileey, Taliyihii dugsiga Mandheera, taliyihii gaaska 5-aad Laascaanood.
Jeneral Xuud waa khabiir siyaasadda iyo abaanduulka, waxaa uu sidoo kale dhanka ammaanka lataliye uu noqday dolwadii ku meel gaarka aheyd ee madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.