Ku dhawaad 50 sano oo UK ay qeyb ka ahayd midowga Yurub ayaa xalay soo afjarantay kadib markii ay si rasmi ah uga baxday .
11:00PM waqti UK jimcihii xalay ayaa waxaa soo idlaaday 11 bilood oo ahaa waqtiga kala guurka .
Sanadkan 2021 ayaa curtay iyada oo UK ay banaanka ka joogto xeyndaabka midowga Yurub .
UK kama shaqeyn doonaan sharciyada Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, maxkamada Yurub ,iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurub ka yimaada ay joogi kareen kana shaqeysan jireen UK iyagoo aan dal ku gal u baahneyn.
Ra’isulwasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore.
Madaxweynaha faransiiska ayaa sheegay in UK ay ahaan doonto saaxiib iyo isbaheysi.
Sanadkii 2016 ayaa afti shacabka laga qaaday waxay u codeeyeen in UK ka baxdo dalada midowga Yurub UK waxay ururkan ku biirtay 1 Janaayo 1973
Privacy Policy
This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

