Ra’iisul wasaaraha dalka Uganda Ruhakana Rugunda ayaa kadalbay Dowladda China in ay Gacan kagaysato daalada lagu Nabadeynayao dalalka Somalia iyo South Sudan,
Kadib kulan ku dhexamray Kampalla Asaga iyo Gudoomiyaha Xisbiga Shuuciga ah ee dalkaasi China Wang Yang ayuu ka sheegay in China aan looga maarmi doonin Marka ay Timaado ka Qeyb qaadashada Xalinta Ammaanka dalalkani.
Ra’iisul Wasaaraha Uganda Mr Rugunda ayaa ugu baaqay dowladda China ay kucaawiso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia sidii Qaramada midoobay ay ugu noqon lahayd Qorsheheeda ku Aadan Dhisidda ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somaliya.
Dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia ayaa saluugsan Qorshaha Qaramada Midoobay ee ku Aadan ka bixitaanka Ciidamadooda Somalia xiligani iyagoona ku celceliyay Cawaaqib xumo kadhalandoonta Qorshahaasi Hadii aan wax laga badalin islamarkaana ay Saameyn doonto Guulo Miro dhal ah oo ay sheegeen in ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Al Shabaab .
Qaramada Midoobay ayaa horey u meel marisay Qaarar Qeexaya kabixitaanka Ciidamaad AMISOM ee ka howlagla Somalia iyo in ay guud ahaan Aaamalka dalka ku wareejiyaan Ciidamada dowoladda Somalia.

