Friday, July 3, 2026
HomeWararTurkiga oo soo badbaadiyay in ka badan 200 oo tahriibeyaal ah

Turkiga oo soo badbaadiyay in ka badan 200 oo tahriibeyaal ah

Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Turkiga ayaa soo badbaadiyay 231 qof oo tahriibaayal ah, kuwaas oo ay dowladda Giriiggu dib u soo celisay.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidmada ilaalada xeebaha Giriiggu ay qasab kusoo celiayeen doomihii ay wateen tahriibayaalkaan doonayay inay galaan qaaradda Yurub.

Turkigu waxey intaas ku dareen in dadkii lasoo badbaadiyay la geeyay goobaha loogu tala galay tahriibayaalka.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Turkiga ayaa hore u sheegay in dowladda Giriiggu xoog kusoo celisay seddexdii sano ee lasoo dhaafay in kabadan 80,000 oo qof kuwaas oo doonayay inay galaan wadamada Yurub.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe