Monday, April 13, 2026
HomeWararTallaalka COVID-19 oo Maanta ka bilaabanaya degaannada Puntland

Tallaalka COVID-19 oo Maanta ka bilaabanaya degaannada Puntland

Waxaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda uu degaannada Puntland ka bilaawdo talaalka cudurka safmareenka ah ee Covid19, kaas oo dhawaan dowladda Soomaalya gaarsiisay degaannada Puntland.

Xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen  in  tallaalka hal mar laga wada bilaabi doono 40 goobood oo ku yaala 9-ka gobol ee Puntland.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in wajiga koowaad laga bilaabayo Shaqaalaha caafimaadka, Maclimiinta, Ciidamada Booliska, qofka ka weyn 50 sano oo qaba xanuunada  macaanka iyo Dhiigkarka.

Ugu dambeyn wasaaradda caafimaadka ayaa shegay in tallaalka oo si lacag la’an ah loo bixin doono looga baahan yahay dadka kor lagu soo xusay inay booqdaan xarumaha talaalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe