Friday, September 18, 2026
HomeWararGudahaTaliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo ka hadlay duqeyntii Doolow

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo ka hadlay duqeyntii Doolow

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Shub, ayaa si kulul uga hadlay duqeyntii dhawaan ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, isaga oo sheegay inuu dhowr jeer ka shakiyay darawalkiisii, kaas oo uu ku eedeeyay inuu door ku lahaa hagidda diyaaraddii duqeynta fulisay.

General Mahad Cabdiraxmaan Shub ayaa sheegay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee duqeynta geysatay ay beegsatay goob uu ku sugnaa, isagoo sheegay in darawalkiisii uu hayay xog u saamaxday inuu gacan ka geysto hagidda weerarka.

“Darawalkeyga ayaa hagayay diyaaraddii i duqeysay, dhowr jeer ayaana ka shakiyay, xataa waa la iiga digay,” ayuu yiri General Mahad Cabdiraxmaan Shub.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli jiraan su’aalo ku saabsan cidda ka dambeysay duqeyntii lagu beegsaday guriga uu ku sugnaa General Mahad Cabdiraxmaan Shub ee degmada Doolow iyo cidda bixisay amarka weerarka.

General Mahad Cabdiraxmaan Shub ayaa sidoo kale si toos ah farta ugu fiiqay Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in khilaaf siyaasadeed iyo dagaal uu sheegay inuu horey u dhexmaray isaga iyo a uu sabab u yahay tallaabada uu sheegay in laga qaaday.

“Xasan Sheekh nin dagaal kala dhexeeyo wixii uu igu sameyn lahaa ayuu igu sameeyay, waana isaga imaaneynaa,” ayuu yiri General Shub.

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa sidoo kale hadalkiisa qayb ka mid ah si gaar ah ugu jeediyay Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, isagoo uga digay inuu sii joogo magaalada Baydhabo.

“Aadan Madoobe waxaan leeyahay Baydhabo ha ku dhiman, lafahaaga ka ceysso, dowladeedi bannaanka ayey degentahaye,” ayuu yiri General Mahad Cabdiraxmaan Shub.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Koonfur Galbeed ay ka jirto xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay jiraan khilaafaad u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyo siyaasadeed oo ka jira maamulka Koonfur Galbeed.

General Mahad Cabdiraxmaan Shub ayaa sidoo kale sheegay in haddii Xasan Sheekh Maxamuud laga saari waayo Koonfur Galbeed, khilaafka uu sii socon karo.

“Haddaan Xasan Sheekh KGS ka kici weyno, ilmaheena ayaan kala balameynaa dagaalkiisa. Shabeellada Hoose ayuu usocdaa, laakiin arki maayo,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa xambaarsan digniin siyaasadeed iyo mid amni, inkastoo aan la xaqiijin in hadalkaasi uu ka dhigan yahay qorshe militari oo rasmi ah ama hawlgal si gaar ah loo qorsheeyay.

Hadallada Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Shub, ayaa kusoo aadaya xilli Koonfur Galbeed ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo xooggan.

Baydhabo ayaa si gaar ah u noqotay xarunta khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyo kala duwan, iyadoo ay jiraan hadallo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni oo laga dareemayo magaalada iyo deegaanada ku dhow.

Dhanka kale, duqeyntii Doolow iyo eedeymaha ku saabsan cidda fulisay ayaa weli u baahan baaritaan iyo caddeymo rasmi ah.

General Mahad Cabdiraxmaan Shub wuxuu ku adkeysanayaa in darawalkiisii uu door ku lahaa hagidda diyaaraddii weerarka geysatay, halka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay tallaabadaas.

Hadallada cusub ee General Mahad Cabdiraxmaan Shub ayaa kusoo kordhaya xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Koonfur Galbeed, iyadoo la sugayo jawaabaha iyo tallaabooyinka ay qaadaan dhinacyada ay khuseyso.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe