Monday, May 18, 2026
HomeWararTaliyihii Booliska Beledweyne oo la dilay

Taliyihii Booliska Beledweyne oo la dilay

Alle Ha u Naxariistee waxaa  ku geeriyooday israsaaseyn Magaalada Beledweyne ku dhexmartay Ciidamada Booliska Beledweyne iyo kuwa sida gaar ah u tababaran ee Haramcad taliyihii Booliska Beledweyne Maxamed Duurdage.

Is rasaaseynta ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inay ka dhacday gudaha Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay isku dhaca labada Ciidan, waxaana mararka qaar weli ka maqlayaa rasaas goos goos ah oo u dhaxeeysa Ciidamada Booliska Beledweyne iyo kuwa Haramcad.

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa Maanta kacsan, waxaana dagaalka siweyn looga dareemay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe