Tuesday, April 28, 2026
HomeWararDibaddaTaliye Ciidan iyo Guddoomiye hore oo qarax lagu dilay.

Taliye Ciidan iyo Guddoomiye hore oo qarax lagu dilay.

kooxda Al Shabaab qarax ayaa ku dishay saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed iyo mauuliyiin kale.

Al Shabaab ayaa fulisay Qaraxa lagu dilay taliyihii Guutada 8-aad ciidanka xooga dalka Gaashanle Maxamed Dheere ,gudoomiyihii hore degmada Diinsoor Abdisalaan Xaaji Siidow iyo askar kale oo la socotay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaana ka tacsiyadeeyay geerida ku timid taliye Maxamed Dheere iyo xubnihii kale ee la socday ee maanta lagu dilay qarax ka dhacay deegaan katirsan gobolka Baay.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Rajicuun waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Taliyihii guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXD iyo Saraakiil oo shahiiday iyagoo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha Khawaarijta ah” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Gaashanle Maxamed Dheere ayaa ahaa sarkaal kaalin mug leh ku lahaa xaqiijinta ammaanka dalka gaar ahaan deegannada Koonfur Galbeed iyo la dagaallanka Al Shabaab, waxaana lagu Xasuustaa Howlgaladii lagu jabiyey Al Shabaab ee uu Hogaamiyey.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe