Home Warar Taliyaha xooga oo abaabul dagaal ka wada Beledweyne

Taliyaha xooga oo abaabul dagaal ka wada Beledweyne

502

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo uu wehliyo Taliyaha AMISOM ayaa kormeeray xarunta AMISOM (sector four) oo xarun ku leh magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan.
Ujeedka Kormeerka ayaa ahayd xog-wareysi uu la yeeshay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Hiiraan iyo sidii loo dardar gelin lahaaa howlgallada lagu dalka looga saarayo Al-Shabaab, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga iyo cidamada AMISOM.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ciidamada xoogga ku booriyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobolka, waxaana uu kula dar daarmay inay labo jibaaraan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo dhanka kale xarunta AMISOM kula kulmay ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Beladweyne.