Home Warar Dhageyso:- taliyaha guutada 5 aad Qeybta 27 aad ee Ciidanka xoogga...

Dhageyso:- taliyaha guutada 5 aad Qeybta 27 aad ee Ciidanka xoogga dalka oo shegay in cidii jibiso heshiis hor dhac ah la dhax dhigay laba beelood oo dhawaan ku dagaalamay deegaano hoos Matabaan

220

Saraakiisha ciidamada xooga dalka gaar ahaan qeybta 27-aad iyo odayaal kale oo ka socda beelaha dega gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay in heshiis hor dhac ah la dhax dhigo laba beelood oo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay deegaano hoos taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha Guutada 5-aad qeyb 27-aad Kor Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakay) oo hoggaaminaayay dadaalkii nabadeed ayaa sheegay in talaabo adag CXD aay ka qaadi doonaan ciddii baal martaa heshiiska lawada gaaray.

Korneyl Baakaay ayaa carabka ku dhuftay in aay ku guuleesteen in xabbadda la joojiyo,in maleeshiyaadkii dagaalamay lakala qaaday iyo in muddo 7-cisho kaddib la isugu yimaado gogol nabadeed oo heshiiska hadda la gaaray inta hartay lagu dhameestiro.

Muddo ka badan 10-cisho ayay Ciidamada Dowladda u joogeen sidii aay u kala qaadi  lahaayeen maleeshyaadka labada beelood ee dagaalamaayay.

Hoos ka dhageyso:warbixin ku saabsan