Sunday, May 24, 2026
HomeWararDibaddaTaliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Xarardheere u tagay dardargelinta dagaallada ka dhanka...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Xarardheere u tagay dardargelinta dagaallada ka dhanka ah ‘AS’..

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa tagay Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug isaga oo la kulmay saraakiil katirsan Ciidanka iskaashanaya ee halkaas ka howlgallaya.

May be an image of 2 people, monument and text

Gen. Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa saraakiisha iyo ciidamada Xoogga Dalka kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda deegaanno hoostaga Degmadaan Qadiimiga ah ee Gobolka Mudug katirsan.

May be an image of 7 people

Saraakiisha Ciidanka Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo Dadka Deegaanka ee Macawiislayda ayaa ka shiray sidii ay u dardargelin lahaayeen dagaallada ka socda Koofurta Gobolka Mudug & sida loo kordhin karo.

May be an image of 4 people

War kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Taliye Ibraahim uu sii wadayo kormeerka uu ku tagayo deegaanno iyo degmooyin kala duwan oo ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

May be an image of 7 people

La soco wixii kasoo kordha

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe