Saturday, May 2, 2026
HomeWararDibaddaTaliyaha Ciidanka dhulka oo booqasho ku tagay degmada Biyacadde ee gobalka Shabeelaha...

Taliyaha Ciidanka dhulka oo booqasho ku tagay degmada Biyacadde ee gobalka Shabeelaha dhexe

Taliyaha Ciidanka dhulka xogga dalka Soomaliyeed Gaashaanlle Sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray Degmada Biyacadde ee gobalka Shabelaha dhexe.

Saraakiil ka tirsan guutada 4aad ururka 12aad qaybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo fadhigodu yahay degmada Biya Cadde ayaa ku soo dhaweeyay degmada  iyagoo uga warbixiyay xaaladda amni ee degmada iyo hawgallada ka socda gobolka.

Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyay howsha xariirta ah ee ay haayaan shacabka isaga oo kula dar daarmay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan suggidda amniga.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka dhulka xogga dalka soomaliyeed Gaashaanlle Sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa inta uu ku sugan yahay degamada Biya Cadde booqan doona fariisimaha ciidamada deegaanka ay ku lee yihiin degmada.

Taliyaha ciidanka dhulka xogga dalka soomaliyeed Gaashaanlle Sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa September 18, 2023-ka waxaa xilkaas u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe