Home Warar Taliyaha Ciidamada Asluubta oo gaaray Gobolka Gedo

Taliyaha Ciidamada Asluubta oo gaaray Gobolka Gedo

34

Taliyaha Ciidamada Asluubta  Somaliyeed  Janeraal MahadCabdiraxman Aadan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Dolow ee Gobolka Gedo.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay Taliyaha Ciidamad Holwgelinta Gobolka Gedo, Bakaal Kooke, Taliyaha Ciidanka Nisa ee Gobolka Gedo, Cabdi Dheere, Gudoomiyaha Degmada Dolow Cali Faarax Mire iyo Masuliyiin Kale.

Taliyaha Ciidamada Asluubta ayaa maalmaha soo socda joogo doono degaannada Gobolka Gedo, waxaana uu la kulmi doona Saraakiisha Ciidamada Asluubta ee ku sugan Gobolka Gedo.