Taliayaha Guutada 13aad Ee Qaybta 21aad Gaashaanle Dhexe Nuur Xirsi Wardheere Oo Lahadlay Idaacada Codka Gobolada Dhexe Ayaa Kawar Bixiyay Ciidamo Ay Kala Dhaxdhigeen Beelo Ku Dagaalamay Deegaanka Qalaan-qale Ee Gobolka Galgaduud.
Taliyaha Ayaa sheegay Inay Soogaareen Odayaasha Beelaha Dagaalamay Islamarkaana Ciidamadu Ay Kuguulaysteen inay Jooojiyaan Colaadii Halkaasi Kataagneed.
Sidoo Kale Taliyaha Ayaa Sheegay In Ciidamada Ay Halkaasi sii joogi doonaan inta labada beelood ay Xal kagaarayaan Ayna Kasii shaqayn Doonaan Sugida Amniga Goobihii lagu dagaalamay.
Dhawaan ayay ahayd Markii Deegaanka qalaan-qale Oo u dhexeeya Xeraale Iyo Dhuusa Mareeb ay dirir colaadeed ku  Dhaxmartay Beelo Walaala Ah islamarkaana uu qasaare Xoogan Sookala gaaray ayna maalinimadii shalay Gaareen Goobihii Lagu Dagaalamay Ciidamo Katirsan Kuwa 21aad Ee Ciidamada Xooga Dalka Iyo Ciidamada Nissa Ee Maamulka Galmudug.