Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa tallaabo adag ka qaaday Raashin dhacay oo lagu qabtay Dekedda Muqdisho 7-dii bishan Maarso, badeecadaha dhacay oo ay ugu horreyso Burka ayaa waxaa loogu talagalay Suuqyada dalka taasi oo keeni karta in ay halis gasho caafimaadka muwaadiniinta.
Hay’adda Xakamaynta Tayada Soomaaliya oo u xilsaaran baadhista arrintan ayaa ogaatay in daqiiqda dhacday ay dhan tahay 7 konteenar. Xogta ayaa markaas lala wadaagay hay’adaha baarista qaranka.
Ka dib markii ay bishii March la wareegtay dacwadda Hay’adda Ilaalinta Tayada, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa xaqiijiyay in daqiiqdaasi dhacday. Taasi waxay keentay in Axadii la go’aamiyo in burkii dib loogu celiyo Turkiga oo ah wadankii uu ka soo jeeday, magdhowna laga waydiisto shirkadii u xilsaarnayd.
Xeer ilaaliyaha Mustafa Macalin Cali Salaad oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekadda ayaa faah faahin ka bixiyay go’aankan: “Baaritaan dhab ah iyo cadeymo la horkeenay maxkamada iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaa la go’aamiyay in burkii dib loogu celiyo halkii ay ka timid 7-koonteenar oo ahaa burka dib ayaa loo raray oo la xaqiijiyay in aysan waxba iska bedelin tan iyo markii la qabtay Konteenarada waxa ay ilaalinayeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan Dekadda.
Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale xusay in warbixinta baaritaanka ay la wadaagi doonaan dowladda Turkiga si loola xisaabtamo shirkadda dhoofisa. Dukumeentiyada, cadeymaha iyo warbixinta baaritaanka waxaa si diblumaasiyadeed loogu gudbin doonaa dowladda Turkiga iyada oo la sii marin doono Wasaaradda Arrimaha Dibadda lana wadaagi doono safaaradda Turkiga,” ayuu yiri.
Sidoo kalem Hay’adda Tayo dhowrka ayaa digniin culus u dirtay shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed iyadoo sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo dalka keenta raashiin dhacay.

