Monday, May 25, 2026
HomeWararSoomaaliya oo ka qeybgashay shirka isbadalka cimilada

Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka isbadalka cimilada

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,  ayaa mgaalada Kampala uga qeybgalay shirweyne looga hadlayo; Isbeddelka Cimilada, Tahriibka iyo Deegaanka kaas oo ay kasoo qeyb galeen wasiirrada wadamada Africa, IGAD, AU, UNFCC iyo madaxweyneyaal uu ka mid yahay Madaxweyne Yuweri Museveni.

Ergeyga oo qudbad ka jeediyay shirka ayaa qudbaddiisa kaga hadlay dhinacyo badan isagoo carabka ku adkeeyay in soomaaliya oo meel hoose kaga jirga waddamada wasqeeya hawada (carbon emissions 0.03) ay haddana  tahay Wadamada ugu horeeyo ee ay dhibaatooyinka ugu badan kasoo gaareen is beddelka cimilada.

Wadda ugu habboon ee loo mari karo xalka ayuu Ergeygu ku sheegay isla shaqeyn iyo iskaashi Soomaaliyana iyada  oo ay Soomaaliya diyaar u tahay  kala shaqeynta wadamada Africa iyo caalamka sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka is beddelka cimilada. Gebogebadii waddamada kala duwan ayaa isla qaatay inay Africa yeelato hal goorta la tego shirka loo madlanyahay ee Cop2.v

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe