Wednesday, April 29, 2026
HomeWararDibaddaSoomaaliya & India oo kawada hadlay sidii ay u sameysan lahaayeen iskaashi...

Soomaaliya & India oo kawada hadlay sidii ay u sameysan lahaayeen iskaashi dhanka daawada{sawiro}

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Dr. Maxamed Xasan Maxamed oo howlo shaqo u joogay dalka India ayaa la kulmay Wasiirka Caafimaadka Dalka India Dr. Mansuukh Mandaviya.

Kulanka Wasiirrada Caafimaadka Soomaaliya iyo India oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimaadka dalkaas ayaa diiradda waxa lagu saaray iskaashi dhexmara labadda wasaaradood ee labadda dal, Soomaaliya iyo India.

May be an image of 2 people, dais and text

Wasiirada ayaa isku afgartay in laga wadashaqeeyo iskaashi miro dhal ah sida dhanka daawada, tababaridda iyo dhisidda aqoonta shaqaalaha caafimaadka iyo tayeynta hay’adaha caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Dr. Maxamed Xasan Maxamed iyo Wasiirka Caafimaadka Dalka India Dr. Mansuukh Mandaviya ayaa kawada hadlay xalinta dhibaatooyinka dhaqaale iyo midda farsamo oo ay kala kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka India u aada Caafimaadka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe